Maamulada Khatumo & Puntland oo Wada Wajahaaya Xaalado Muran Doorasho & Amaan darro..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Garoowe iyo Laas caanood ayaa sheegaya in xaalado cakiran oo muranka doorashada iyo Amaan darro ay Maamulada Khatumo iyo Puntland heystaan maalmahaan, kadib markii go’aanka Odayaasha Dhaqanka Khatumo ay soo saareen ugana baxeen ka mid ahaanshaha maamulka Puntland…

Go’aankaan ayaa horseeday hubanti la’aan ku timaado dhismaha dowlad Goboleedka Puntland iyo awood qeybsiga Beelaha, iyadoo baaqyo badan oo la soo jeediyay ay tilmaamayaan in 47-Xildhibaan lagu saleeyo Maamulka cusub ee Puntland, waxaanse aan la ogeyn sida lagu geli doono doorashada soo socota.

Dhanka kale, Shalay magaalada Laas caanood waxaa kadhacay is-rasaaseyn dhex martay Maleeshiyaadka Jufooyinka Baharsame iyo Jaamac Siyaad, Wararka ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Baharsame ay weerartay Saldhigga Boliiska Degmada waxaana uga dhinray Hal Nin, Xoogaga Jaamaca Siyaad oo ku sugnaa Saldhiga ayaa iska daafacay Weerarkaasi.

Dhiilada ayaa ka bilaabatau Gadiid dagaal oo looga qabsaday Maleeshiyaadka Habarjeclo degaanka Buqdharkeyn waxeyna maqleen in Jufada Jaamac Siyaad lagu wareejiyay Gaariga, iyadoo lagu wareejiyay Gaariga Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

295770cookie-checkMaamulada Khatumo & Puntland oo Wada Wajahaaya Xaalado Muran Doorasho & Amaan darro..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com