Share the post "Dagaal Aroornimadii Saakay ka Dhacay Degaano Hoos yimaada Gobolada Sh/Dhexe & Hiiraan.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa dagaalo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaasoo aroorninadii hore ee saakay ku dhexmaray nawaaxiga Degaanada, Aboorey, Ceel Cali Axmed iyo Beera yabaal ee Maamulka Hirshabelle Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Dadka Degaanka iyo kooxda Argagixsada shabaabka….
Wararka ayaa intaasi raacinaaya in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo si weyn looga maqlaayay Degaano ka fog halka uu dagaalka ka dhacay, waxaasa wararka hordhaca ah oo soo gaaraya Warsidahaan Diinah.com ay sheegayaan inuu jiro khasaare xoog leh oo kala gaaray labada dhinac, inkastoo ay Msleeshiyaadka Shababka qabsadeen Degaanka Ceel Cali Axmed hase yeeshee degaanada kale dib syaa looga riixay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha CiIdamada Dowladda iyo kuwa Dadka Degaanka oo ku aadan khasaraha ka dhashay dagaalka saakay dhacay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in haatan dagaalka uu istaagay islamarkaana Ciidamada Dowladda iyo kuwa Degaanka ay ku sugan yihiin goobaha lagu dagaalamay.