Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Weerarkii Hotel Elite Iyo Tacadiyada NISA…

Somalia news

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii lagu qaaday Hoteelka Elite ee Xeebta Liido ayaa sheegaya in laba Dabley ah oo ka mid ahaa kooxda weerarka geystay la dilay, halka laba kale ay weli ka dagaalamayaan gudaha Hoteelka….

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Agaasimihii xiriirka gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta Dowlada Cabdirisaaq Cabdi iyo 15-kale ay ku geeriyoodeen qaraxa ka dhacay Hoteel Elite ee Degmada Cabdicasiis

Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhaawacmay Wasiir Howlaha Guud Iyo Guryenta Galmudug Ahmed Washington iyo tiro kale oo aan la xaqiijin, Waxaa gudaha Hoteelka weli ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidanka Amniga iyo Kooxdii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale, ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u sheegay in Ciidamo wajiga indha-shareer ku duubtay ayaa dad shacab ah ku dhibaataynaya Xiligaan agagaarka Suuq bacaad gaar ahaan sarta Wiif, wararka Ayaa Sheegaya iney ka tirsan yihiin NISA, iyagoo gaadiidka ka fiiqaya BEENSALKA muraayadaha,Qaarkood ayaa xitaa shacabka jirdil u geysanaya kuwana lacago baad ah ayey ka qaadanayaan.

54540cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Weerarkii Hotel Elite Iyo Tacadiyada NISA…