Kooxda Argagixisada Shababka Oo Weerar ku Qaaday Fariisin Ciidamada Dowladda Leedahay…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar ay Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shabaabka ay ku qaadeen Degaanka Geriley oo Jubada hoose ka tirsan kana mid ahaa Saldhigyadii toddobaadkii hore ay wareejiyeen Ciidamada Kenya ee Qeybta ATMIS, iyadoo ay ka soo baxayaan khasaare ka dhashay weerarkaasi..

Xogtaan ayaa tilmaamtay inuu Weerarkaani uu dhacay gelinkii dambe Talaadadii, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Warbaahinta gudaha, Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu goobta ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo dhowr jeer la isu soo noqday, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Ilaa hadda si rasmi ah lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, Dowladda Federaalka iyo kooxda Shabaabka ayaan weli ka hadlin weerarka, Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sladhigga la weeraray ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo horay ATMIS ugala wareegay xeradaasi.

264190cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka Oo Weerar ku Qaaday Fariisin Ciidamada Dowladda Leedahay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com