Dagaal beeleedka Ka Socda Degaanka W/Weyn Oo Lagu Eedeeyay Siyaasiyiin

Politics

Warbixino hordhaca ah ayaa muujinaaya in dagaal Beeledka ka socda Degmada W/weyn ee Gobolka Shabeelada Hoose, ay gadaal ka riix ayaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad, kuwaasoo la sheegay iney isku direen Maleeshiyaadka Qabaa’ilada kasoo kala Jeeda Gaaljecel Iyo Shanta caleemood….

Xogo la soo gaarsiyay Diinah.com ayaa sheegaya in dagaalkaas laga soo abaabulay Madaxtooyada KG, Ujeedada laga lahaayna ay tahay in Xaalada Siyaasada dalka oo mareeyso meel xasaasi ah isla markaasna uu jiro Fashil Maamul ee soo wajahan Hogaanka Dalka laga mashquulo shacabka Soomaaliyeed dhacdadaan fajicisada ah oo Taariikhda Soomaaliya meelna lagu sheegin in mayd lagubo.

Tusaale, Sida loo gubay Marxuumka iyo sida loogu baahiyay baraha bulshada waa Dano Siyaasadeed iyo kicin bulsho, Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 tuulo oo ku yaalla agagaarka degmada Wanle-weyn uu dagaalka ka socdo, iyadoo tuulooyin kalena laga cabsi qabo inuu ku fido dagaalka.

Burburki Dowladii Somalia kadib dalka waxaa ka dhacday Dagaalo Sokeeyay taaso ay ku nafwaayeen dad aan waxba galabsan balse ma aysan dhici  horay Mayd ama qof dhintay in lagubo.

Wixii ka dambeeyay Doorashada 8 February 2017, dalka waxaa ka dhacay Xasuuq daran oo ay iska kaashadeen Kooxda Shabaabka iyo Dowlada Qatar, Halka Maamulka Villa Somalia ay kaliya ka shaqeeyaan Danahooda Gaarka balse aan u naxeeynin gumaadka lagu haayo shacbiga Soomaaliyeed.

26540cookie-checkDagaal beeleedka Ka Socda Degaanka W/Weyn Oo Lagu Eedeeyay Siyaasiyiin