Dagaal Dib ugu soo Cusboonaaday Degaanada Buuraleyda Cal-Miskaad Ee Gobolka Bari

Somalia news

Wararka laga helayo Buuraleyda Gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal dhiig badan ku daatay uu maalmihii lasoo dhaafay ka soconayay Buuraleyda Cal-miskaad ee Bari, kaasoo u dhexeeya Maleeshiyaad ka kala tirsan kooxaha Argagixisada ah Shabaabka iyo Daacish, oo ku wada sugan dhulka degaanadaasi…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Dagaalka uu intiisa badan dhacayay 72-saac ee lasoo dhaafay, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada kooxood, iyadoo la sheegay in 43-Maleeshiyo looga dilay Kooxda Shababka.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in kooxda Daacish ay in ka badan 6 qarax oo ismiidaamin ah la beegsatay Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka, iyadoi sidoo kale intii uu docday weerarka laga dilay Kooxda Shababka 3-Horjooge lagana qabsaday Aagagii ay maamulayeen.

Isku dhaca labada Kooxood ayaa ku soo hagaagay xili Dowlada Federaalka isku diyaarineyso iney qaado wajiga 2-aad ee Gulufka ka dhanka ah Kooxda Shababka kaasoo hadafkiisu yahay in laga xoreeyo Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe, Kan Bartamaha iyo Konfurta Somalia.

248510cookie-checkDagaal Dib ugu soo Cusboonaaday Degaanada Buuraleyda Cal-Miskaad Ee Gobolka Bari