SHUBANKA: Sababaha Keena, Astaamihiisa Iyo Sida Guriga Loogu Daryeelo..

Somalia news

Shubanka waa xaalad saxara Biyood-jilicsan oo joogta noqoto, caadi ahaan soconaysa dhowr maalmood oo inta badan joogsada bilaa dawo, shubanka waxaa lala xiriiriyaa amaba keena infekshan, bakteeriyo iyo mararka qaarkood natiijo ka timid cuno lagu sumoobay, marka uu xanuunka shubanku raago sida caadiga ah waxa ay ka dhalataa cudur ama xanuun ku dhaca mindhicirada..

Shubanka waa dhibaato ay la kulmaan Dadka badankooda isla markaana keeni kara walwal iyo walaac, Dadka qaar waxay dareemaan shubanka kadib qaliin caloosha, taasoo keeni karta cunada oo si fudud ku marta dheefshiidka, Inta badan sabbabta uu shubanka ku yimaado lama garan karo oo way adag tahay in la ogaado.

Maxaa Sababa

Shuban waxaa sabbabi kara waxyaabo kala duwan, waxaa kamid ah:-

  • Cudurada jermiska leh sida Infekshan bakteeriya iyo fayrus qaarkood
  • Xasaasiyad cuntada qaar
  • Xanuunka mindhicirada
  • Dawooyinka qaar
  • Gooryaanka

Waa maxay astaamaha shubanka

Waxaa jira calaamado badan oo astaan u ah shubanka

  • Lalabo
  • Calool majiir
  • Calool xanuun
  • Dibiro
  • Fuuq-bax
  • Qandho
  • Saxaro dhiig

Fuuqbax Iyo Shuban-biyoodka

Shuban waxa uu sabbabi karaa fuuqbax taas oo ah in jirkaaga uu lumiyo biyaha, waxaa laga yaabaa in aad halis u gasho fuuqbaxa siyaadada ah hadii aan lala tacaalin oo aan la daweyn. Fuuqbaxa waxaa uu noqon kara mid culus oo xitaa keeni kara dhimasho caalamadaha fuuqbaxa waxaa ka mid ah:

  • Daal
  • Maqaarka oo qalala
  • Madax xanuun
  • Harraad siyaado ah
  • Kaadida oo yaraata
  • Afka oo qalayl noqoda
  • Garaaca wadnaha oo kor u kac

Sidee Guriga loogu Dareyeeli Karaa

Malahan shubanka daryeel guri waxa kaliya oo uu leeyahay waa in qofka lala tacaalaa oo la gaarsiiyaa gacan dhaqtar iyadoo talaabooyinkaan la maraaya

  • Ku dadaal in gacmahaaga aad nadiifiso markasto oo aad xaajooto
  • Isticmaalan wax jilicsan amaba qoyan markaad gudanayso xaajadaad
312420cookie-checkSHUBANKA: Sababaha Keena, Astaamihiisa Iyo Sida Guriga Loogu Daryeelo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com