Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka Doorashada Somalia

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa ah sheegay in Dhaqdhaqaaqyadii iyo Kulamada wadatashi ahaa u dambeeyay ee ay garwadeenka ka ahaayeen Wakiilada Beesha Caalamka si xal looga gaaro is-mari waaga Khilaafka Doorashada ayaa sheegay in si gaabis ah uu u socdo, iyadoo Wakiilka UN-ka iyo Danjiraha USA Ee Mogadishu ay Villa Somalia u qabteen 2-maalmood iney ku keenaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Maanta Magaalada Mogadishu uu dib ugu soo laaban doono Madaxweynaha Galmudug, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha K/Galbeed uu isna Maalinta Khamiista ah soo gaari doono Magaalada Mogadishu, kadib markii ay ku wargeliyeen Farmaajo iyo Fahad.

Qodobada Dooda Ka Taagan tahay:-

Puntand & Jubbaland, ayaa qaba in shirka la qabto, isla markaasna uu ka dhaco goob dhexdhexaad ah oo amaankeeda ay sugayaan Ciidamada Amisom kana dhacdo xeyndaabka Garoonka diyaaradaha (Teendhada Afisioni ), laguna shaqeeyo Heshiiskii 17-september, Midowga Musharixiinta door laga siiyo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ay korjoogto ka noqoto.

Farmaajo iyo Garabkiisa:-

Waxey soo jeediyeen in Kulanka uu iclaamiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday laguna qabto Villa Somalia, in aan door laga siinin Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada Rayidka sidoo kale iney Wakiilada Beesha Caalamka aysan saameyn ku yeelan Shirka iyo ugu dambeyntii in la yareeyo Tirada 135-Xubnood Ee Odayaasha Dhaqanka Ee soo xulaaya Xildhibaanada.

Wakiilada Beesha Caalamka:-

Saaxiibada Somalia ayaa in muddo ah wada dadaalo lagu xaqiijinaayo sidii miiska wada hadalka la iskugu keeni lahaa dhinacyadaan, talooyin ay uruuriyeen ayaa tilmaamaya in Farmaajo iyo Kooxdiisa loo soo jeediyo iney soo saaraan warqada casumaada oo taariikheysan (20-ka Bisha Maarso), laguna qabto Hoteelka Decale ee gudaha garoonka diyaaradaha, sidoo kale waxey u qabtay in ugu dambeyn maalinta khamiista ay Mogadishu dib ugu soo laabtaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed, waxey ka loo qabaa in Shirka ay kor joogto ka moqdaan Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada Rayidka

101900cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka Doorashada Somalia