Dagaal Ka Qarxay Degaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan..

Domestic News Security Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Dagaal faraha looga gubtay oo saakay ka qarxay Degaanka Aboorey oo ka mid ah Degaanada ka tirsan Degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeya Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo kaashanaaya kuwa Degaanka iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shababka…

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Degaanka ay weerar kedis ah ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen Maleeshiyaadka kooxda Shababka degaanka Aboorey kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku lahaayeen fariisin, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uy la eg yahay khasaaraha, dagaalkaan ayaa yimid iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu dagaalo ka socdeen xadka kala qeybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe kaasoo kooxda Argagixisada looga dilay tiro badan oo Maleeshiyaad ah, waxaana degaanadaasi la sheegay iney ka jirto xaalad kacsanaan ah iyo abaabul dagaal.

373450cookie-checkDagaal Ka Qarxay Degaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *