Gudoomiyaha Baarlamaanka & Jalaafooyinka Siyaasadeed Ee Hor yaala

Somalia news

Guddoomiyaha Cusub ee a Baarlamaanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur wuxuu dhawaan iska casilay xubinimadiisii Xsbiga Himilo Qaran oo uu Shariif Sheekh Axmed hoggaamiyo, Xilka cusub ayaa u diidaya inuu ka sii  mid ahaado xisbi waayo wuxuu luminayaa dhexdhexaadnimada looga baahan yahay isaga si uu u guto waajibaadkiisa…

Inkastoo uu Xildhibaan Aadan Madoobe uu weli maankiisu ka go’in walaac siyaasadeed, dhibaatadii ay ku reebtay sidii uu ku waayay Guddoomiyenimadii Baarlamaanka markii Madaxweyne Shariif Axmed uu taageeray Shariif Xasan oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda si uu mar kale u noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka xilli dowladdii muqaawimadu ka talinaysay Villa Somalia.

Xil ka qaadistaasi ee Sheekh Aadan Madoobe waxay ahayd billowgii Baarlamaan laga maamulo Madaxtooyada Somalia, laanta Sharci-dejintu kama madaxbannaaneyn midda fulinta. Seddexdii maamul ugu dambeeyay 2009 ilaa  2022, Soomaaliya waxay caan ku ahayd baarlamaan dubbe u ah Madaxtooyada.

Way dhici kartaa in Aqalka Hoose qaado wadadii Golihii muddo xileedkiisu dhammaaday,  Aadan Madoobe wuu og yahay in Shariif Xasan hoggaamiyo xisbi siyaasadeed, welina siyaasadda ku jiro. Haddii tusaale ahaan Shariif Sheekh Axmed madaxweyne loo doorto sida keliya oo Aadan Madoobe ku shaqayn karo waa inuu helo damaanad ah in aan xilka laga qaadeyn (way adag tahay in damaanadda noocan oo kale la isa siiyo haddii Madaxtooyadu awood u leedahay inay mooshin ku abaabusho Gudoonka Baarlamaanka).

Dhanka kale Xildhibaan Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Aadan Saransoor waxay isku meel ka taagan yihiin in maamulka Laftagareen oo ay u arkaan mid u baahan in la beddelo,  Waxay aad ugu tashanayaan inay gacan ka helaan Hogaamiyaha laga yaabo inuu yimaado Villa Somalia si ay ula wareegaan talada siyaasadda ee Koonfur Galbeed.

185890cookie-checkGudoomiyaha Baarlamaanka & Jalaafooyinka Siyaasadeed Ee Hor yaala