Dagaal Warbaahin oo ka dhex Qarxay Hogaanka Dowlada & Qeyb ka mid ah Kooxaha Mucaaradka..

Somalia news

Maalmahaan dambe waxaa aad u soo kordhaayay Weerarka dhinac warbaahinta ee Mucaaradka uu Hogaamiyo Madaxweynihii hore kuna bartilmaameesanaayo Hogaanka Villa Somalia, iyadoo ku soo biirewn qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada oo bilaabay inay u jawaab Siyaasiyiinta, taasoo keentay in la dhex galay dagaal la isku weerarrayo Warbaahinta iyo Baraha Bulshada…

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Musuqmaasuq iyo Boobka Hantida iyo Dhulalka Qaranka iyo wax-qabad la’aan, wuxuuna taageeray dooda ah in Hogaanka Dowladda uu Qaadka qeyb ka yahay, isagoo Ciidamada ku sheegay inay kala daateen oo aanay jirin Guuto dagaalami karta, “Arrinta Jaadka weligiis dalka waa soo geli jiray, laakiin tuhunka yaalla maanta wuxuu yahay in madax qeyb ka tahay inuu Qaadka dalka soo galo, mana aha arrin weriyaha ku eg ee anagoo dhan ayaa qabna warka uu sheegay anaguu noo sheegay” ayuu Yiri Sheekh Shariif.

Wasiirada Gaashandhigga iyo Ganacsiga Dowlada Federaalka ayaa ka daba qaatay Sheekh Shariif ayaa qabtay shir jaraa’id oo degdega waxeyna farriin jawaab ah u direen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Wasiirka Gaashandhigga ““Ciidankeenow ma mudnidiin wax walba oo kasoo yeera Qof wax-ma-garato ah, Qof dareenka ninka furinta jooga aan la socon, waxaan fariin u dirayaa Siyaasiyiinta waayadan dambe caadeystay inay ceebeeyaan Ciidamada xoogga dalka”.” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga Jibril C/rashid Xaaji ayaa qoraal jawaab u ah Sheekh Shariif ku yiri: “Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oraahda uu yiri ee dhiiri gelineysa Qawaarijta ee ah Ciidamada Qaranku malaha hal guuto oo dagaalami karta, waxay gef weyn iyo meel ka dhac ku tahay ciidamada Qaranka ee naftood hurayaasha ah… Waxa aan kula talin lahaa Sheekh Shariif inuu raali galin buuxda ka bixiyo gefka iyo meel ka dhaca uu u geystey Ciidanka Qaranka”.

337210cookie-checkDagaal Warbaahin oo ka dhex Qarxay Hogaanka Dowlada & Qeyb ka mid ah Kooxaha Mucaaradka..