Halgankii Xoriyada Oo 61-Sano u Buuxsamtay Hogaamo xumo & Xanuunka Rajada

Somalia news

Run ahaan Maanta oo kale 61-sano ka hor Shacbiga Soomaaliyeed waxey ku taamaayeen iney si Nabad ah u hoos harsadaan neecaawda Xoriyada, Ayaan darrse waxaan marti u noqdeen Hogaan xumo, Dalka app aan laga hirgelin doorasho qof iyo cod, Amni darro, Siyaasiyiin aan laheyn qorshe iyo cabsi in Dalka dib uu ugu noqdo wadadii Dagaalka Sokeeye….

Xasilooni Darro:-

Mudoo 30-sano ah, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed waxey la daalaa dhacaayeen Amni darro, dagaalo Beeleed, kuwa diimeed iyo Xasilooni darro siyaasadeed oo inta badan khatar gelisa Midnimada iyo Wadajirka, Taasina Waxaa markhaati ka ah qaabkii Xilka looga tuuray Kaligii taliyihii iyo Maamulkiisa oo lagu soo af-jaray dhiiga Shacbiga oo la daadiyo.

Koox kale duwan iyo Maleeshiyaad Hubeysan ayaa dariiq kasta u maray sidii ay ku hanan lahaayeen Xukunka Dalka, iyagoo maalgelin dibadeed ka helay si ay Xukunka ugu adeegaan Dalal Shisheeye talaabadaasi oo rajo beel ku riday Shacbiga si ay u arkaan in Dalka laga hirgeliyo Hanaanka Doorasho Qof iyo cod.

61-sano kadib Dadka Soomaaliyeed weli waa kala qeybsan yahay, iyadoo dhanka kale Kooxaha argagixisada ayaa Weli wada Gumaadka Shacbiga, iyadoo Ciidamo shisheeye ay gurmad ahaan Dalka ku joogaan, waxaan weli la heynin Midnimo iyo Wadajirkii Shacbiga, iyadoo rajo laga qabo in la hiigsado hadii la helo Hogaan Daacad ah.

127040cookie-checkHalgankii Xoriyada Oo 61-Sano u Buuxsamtay Hogaamo xumo & Xanuunka Rajada