Ma Dhabaa in Xulka Qaranka Kubada Cagta ee Somalia ay Gadood ku Dhaqaaqeen xilli ay ku jiraan…

Africa News Somalia news Sports

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa gadood ay ku dhaqaaqeen ciyaartooyda Xulka Qaranka Somalia kuwaasoo la sheegay iney ka biyo diideen inay la ciyaaraan kulanka Dalka Uganda oo ay ciyaarta 2-aad ee isreebreebka ku arki lahaayeen, talabadaan oo Muwaadiniin badan la yaabeen…

Wararka ayaa sheegaya in Gadoodkaan uu salka ku hayo xuquuq dhaqaale oo ka maqan iyo arrimo kale, iyadoo qaar kamid ah ay hoteelka isaga baxeen, balse warkaas lama xaqiijin, Waxaa sidoo kale la sheegay inay socotey waanwaan iyo wadahadal xaalka lagu dejinayo, xilli ay wiilasha Xulka Qaranku ay u doodayeen in xuquuqdooda loo siiyo si buuxda.

Mas’uuliyiinta Xiriirka oo la socda Kooxda ayaa la sheegay iney intii badneyd xaliyeen cabashada Ciyaartoyda Xulka Qaranka ayna diyaar u yihiin iney Kulanka Xulka Uganda, waxaana lagu wadaa iney maanta kula ciyaaraan Xulka Uganda Garoonka Berkane Municipal Stadium ee Berkane Dalka Marooko oo ay guri ahaan u isticmaalayaan inta uu socdo isreebreebka KA-2026.

288640cookie-checkMa Dhabaa in Xulka Qaranka Kubada Cagta ee Somalia ay Gadood ku Dhaqaaqeen xilli ay ku jiraan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com