Maxaa ka dhab ah Eedeymaha Loo Jeediyay Hey’adda PDRC ee Puntland

Somalia news

Qeylo dhaan ay soo saarewn Ururada Siyaasada ka dhisan degaanada Puntland ayeey ku eedeeyeen in Hey’adda PDRC iney ku dhex miliantay Siyaasada jahwareersan ee Madaxtooyada Maamulka Puntland, waxeyna Walaac ka muujiyay in arrmaha ay Madaxda Hey’adu faraha kula jirto xiligaan.

Daneeyayaasha siyaasada Maxaliga ah ayaa welwelkooda salka ku hayaa qorshaha gurcan ee Madaxda Hey’addu oo qandaraas ku qaadatay iney Wakiilada Beesha Caalamka ka iibiso qorshaha degaan doorashada Madaxweynaha dejiyay si uu u sad buursado geedi socodka Demuqaraadiyada ee xiligaan lagu muransan yahay.

PDRC ayaa ah Hey’ad Cilmi-baariseed oo madax banaan, xiriir dhow la leh Saaxiibada Somalia, laguna tirin jiray iney u heelan tahay dhismaha Nabada iyo Horumarka degaanada Puntland, waxeyna ka mid aheyd kormeerayaasha degaan dooraahadii dhacay, iyadoo Madaxdeedu lagu eedeeyay iney ku guuldareysteen iney xaqiiqda ka sheegaan doorashdii ka dhacday 3-da Degmo.

Ururada Siyaasada ayaa Hogaanka Hey’adaan ku eedeeyay iney gudashada wajibaadkooda ka door bideen u adeegida maslaxada Dani iyo in loo fududeeyo Mashaariicda lagu bixinaayo Barnaamijyada Doorashada, kuwaasoi qaarkood ah gacanta ku hayaan Guddiga Doorashada ee TPEC, waxaana la sheegay in Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha uu la-taliye Sare ka ahaa Hey’adda PDRC.

Isku soo wada duub talaabooyinka ayaa u muuqda afuud loo geysanaayo geedi socodka Demuqaradiyada, iyadoo kulanka loo balansan yahay 18-ka bishaan uu noqon doono mid lagu xalaaleysanaayo boobka doorashada ee uu diyaarasday Dani & Madaxda Hey’adda, waxeyna meesha ka saareyaaa rajadii laga qabay in Barnaamijku uu noqdo mid loo wada dhan yahay (Wadar oggol).

216630cookie-checkMaxaa ka dhab ah Eedeymaha Loo Jeediyay Hey’adda PDRC ee Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com