Kadib markii ay shalay Magaalada B/Weyne ay ka degeen inta Golaha Wasiirada Maamulka Hir-shabelle, isla markaasna ay ilaa xalay ka taagneyd cabsi laga qabo inuu dagaal ka qarxo gudaha Magaalada, kadib markii ay soo galeen Xoogag Hubeysan…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu aroortii hore Ee Saaka uu ka qarxay Dagaal xoogan oo la isku adeegsanaayo Hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna u dhaxeeya Ciidamo Daacad u ah Maamulka iyo Xoogaga Hubeysan ee Mr.Xuud, kaasoo digniino ka soo saaray Imaatinka Wasiirada Hir-Shabeelada.
Ujeedada Wasiirada Hirshabeelle ee shalay soo gaaray magaalada Baledweyne ayaa lagu sheegay shir maanta oo Axada ah uga furmayo magaalada Baledweyne golaha wasiirada Hirshabeelle.
1274800cookie-checkDagaal Xoogan Oo Ka Qarxay Magaalada B/weyne