Ma Dhabaa in Waqooyiga Gaalkacyo ay Noqotay Degaanka Dadka Lagu Dilo Sifo ka Baxsan Sharciga…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil fool xun oo shalay subax ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo 5-Eedeysane oo hubeysan ay meheradiisa Ganacsi ku diley Ganacsade lagu magacaabi jiray Axmed Tahliil Xaaj Adam oo ka soo jeeda Beelaha Meheri (Carab-Saalax)…

Wararka ayaa sheegay in Kooxda Dilka geysatey ayaa Ganacsadaha ku diley meheradiisii ganacsiga, kadibna banaanka ayey u soo jideen meydkiisi iyagoo doonaya iney ku qaataan gaari Probox ah oo ay wateen, laakiin markii dambe banaanka ayey uga tageen, Xoogaga Amaanka Puntland ayaa ku fashilmay iney xakameeyaan Dilalka qorsheysan ee joogtada uga dhaca Waqooyiga Magaalada.

Maxaa Lagu Maagay Marxuumka:-

Dilka Marxuumka ayaa la sheegay iney la xiriirto arrimo Qoys iyo Wiil la isku haysto cida dhashe, Kooxda dilka geysatey oo Beesha Cumar Maxamuud gaar ahaan reer Khalaf ayaa Marxuumka Walaalkiis wiil isku haysteen kaasoo lagu hayo Dalka Uganda, Kiiskan ayaa ahaa mid muddo socdey laakiin aan lagu kala bixin hidda sidaha DNA, iyadoo Marxuumka Walaalkiis uu sheegay inuu doyaar u yahay in Baarista lagu qaado Kampala halka Jufada Eedeynsanayaasha ay ku adkeysteen in Isbitaalada Puntland lagu qaado.

Waxaa la is weydiinayaa sababta Marxuum Axmed tahliil loo diley maadaama aanu ahayn Ninka dhalay Wiilka la isku haysteen ee keliya uu la dhashey Ninka kale ee ay ilmaha isku haystaan, Guddoomiyaha Waqooyiga Gobolka Mudug Faysal Cali Sheekh oo ay isku jufo yihiin kooxda dilka geystey ayaa ku baxey, waxaana wararku sheegayaan iney isku hor fadhiyaan meel magaalada ka baxsan, welina gacanta laguma soo dhigin Eedaysanayaasha.

308690cookie-checkMa Dhabaa in Waqooyiga Gaalkacyo ay Noqotay Degaanka Dadka Lagu Dilo Sifo ka Baxsan Sharciga…