Dagaalka Gudoomiyaha Ugu Da’da weyn Xildhibaanada Oo Bilaawday

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa tilmaamaya in durbadiiba uu bilaawday Dagaalka Da’da ee Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo garabyada is haya ay bilaabeen soo xulashada Xildhibaanka ugu da’ada weyn ee Kultadooda ku jirta ee Baarlamaanka 11-aad…

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ugu cadcad ayaa waxaa ka mid ah, Xildhibaan Cabdisalasn Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad) oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug, isagoo da’diisu lagu sheegay 78-sano jir ah.

Halka Xildhibaan Mahad Cabdirahmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Asluubta oo Xildhibaan noqdey Da’diisu waa 67-jir, sidoo kale Xildhibaan Shaahiyow oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Jubaland,ayaa isaguna jira 67-sano.

Maalmaha soo socda, waxaa bilaaban doona tartanka Da’ada, waxaana dhici karta in wax ka badal uu yimaado, Kooxda Farmaajo, waxay isku dayi karaan in ay Xildhibasn Mahad u kordhiyaan Da’da oo dhaafiyaan Xildhibaan Dhabancad, Meesha kaliya ee laga xaqiijin karo Da’da Xikdhibaanka ee hada la awoodo waa Xafiisyada bixiya Dukumentiyada kala ah Warqadaha Dembi la’anta, Dhalashada & Basaboorka.

179940cookie-checkDagaalka Gudoomiyaha Ugu Da’da weyn Xildhibaanada Oo Bilaawday