Tuhun & Dood ayaa ka Dhalatay Gabar Soomaaliyeed Oo lagu Dilay Turkiga..

Somalia news

Tuhun & Dood ayaa Ka Dhalatay Dilka Gabar Soomaaliyeed Oo Boliiska Turkiga ay sheegeen iney u soo qabteen Seygeeda, Falkaan ayeey sheegeen inuu ka dhacay Magaalada I stanbul oo dalxiis ahasn u joogeen, waxeyna wadaan baaris la xiriirta Dalka dhacay, iyadoo ay soo baxaayaan warar is khilaafsan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Marxuumad Ayaan Mohomed Dhoba oo ah gabar 26-jir ah oo asal ahaan kasoo jeedda Somalia ayaa lagu diley dalka Turkiga, Marxuumadaan oo haysatay dhalashada Dalka UK ayaa maydkeeda laga helay Hoteel ay ka deganayd magaalada loo dalxiis tago ee Istanbul.

📸 Watch this video on Facebook https://www.facebook.com/share/v/jy5ymvRY6kLsSJQk/?mibextid=KsPBc6

Wararka ayaa sheegaya in Boliiska Turkiga ay ku eedeeyeen Ahmed oo ah Ayaan ninkeeda uu guursaday 11-Oktobar-2023, ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyey dilka xaaskiisa, inkastoo Warbaahinta Turkiga ay faafiyeen Sawir Gabar kale oo ku nool Dalka Canada laguna magacaabo Ayaan Shariif, si khaldan loo isticmaalay sawirkeeda.

287870cookie-checkTuhun & Dood ayaa ka Dhalatay Gabar Soomaaliyeed Oo lagu Dilay Turkiga..