Ma Dhabaa Inuu Deni Ku Soo Wajahan yahay Mogadishu kuna Hakanaayo Garoowe

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa muujineysa in Madaxweynaha Dowlad Gobokeedka Puntland oo maalmahaan safaro shaqo ju joogay magaalooyinka Dubai & Nairobi ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Garoowe…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Deni Magaalada Nairobi sida la filayay kulamadii u qorshaysnaa waa ka baaqdeen haday noqon lahayd Dowlada Kenya iyo qeybaha kala duwan ee Shacbiga Somalida degan magaalada, ilaa hadda ma cada sababta ay kulamadaas uga baaqdeen, waxaase ay sheegayaan warar ka agdhow in uu xanuunsanaa oo Allergic aad ugu kacsanaa maalmihii ugu dambeeyay.

Mr.Deni ayaa u qorsheysan inuu maanta soo gaaro magaalada Garoowe kuna negaado hal maalin, sida qorshuhu yahay, Maalin kadib, waxaa la filayaa inuu u soo gudbo Magaalada Muqdisho, Tegidiisa MrDeni ee Magaalada Mogadishu waa u muhiim olalihiisa iyo guud ahaan qorshaha doorasho ee lagu wajahayo kooxda talada soo haysay ee Farmaajaha fashilmay.

183060cookie-checkMa Dhabaa Inuu Deni Ku Soo Wajahan yahay Mogadishu kuna Hakanaayo Garoowe