Ma Dhabaa In Dhaqaalihii Loogu Yaboohay Suuqii Hargeysa Loo Wareejinaayo..

Somalia news

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhow Xubno ka tirsan Xildhibaanada degaanada Somaliland ka soo jeeda ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu xusul duub ugu jiro sidii deeqda $11.7 Million Oo ay Dawladda Federaalka ugu yaboohday gurmadka mashaqadii Suuqa Waaheen loogu wareejin lahaa Akoon gaar ah oo ka furan waddanka Djibouti…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Mr.Muuse Biixi uu khadka Talefonka kula hadlay Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka wuxuuna ka codsaday in dhaqaalaha aan lagu soo shubin Akoonada Gurmadka Suuqa Waaheen sidii uu qorshuhu ahaa, balse lagu shubo akoon ka furan Djibouti, hase yeeshee Mr.Rooble ayaa ka biya diiday dalabka ka soo yeeray Mr.Biixi.

Hadii ay suurto gasho, arrintani waxay dhabar jab ku tahay dadaalada socda, waxaanay niyad jab ku noqan kartaa dhaqdhaqaaqyda qaaraanka loogu aruurinayo taakuleynta masiibadii ka dhacday Ganacsatadii ku dhaqaale waayay suuqa Waaheen.

Dhanka kale, Ma’suuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka soo jeeda Degaanada Somaliland ayaa wada dadaalo lagu hubinayo in deeqda $11.7 Millions ahi ay gaarto dadkii loogu talo galay.

180000cookie-checkMa Dhabaa In Dhaqaalihii Loogu Yaboohay Suuqii Hargeysa Loo Wareejinaayo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com