Dagaalka Guricel Iyo Gurmadyada Gaaray Furimaha

Somalia news

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa gurmadyo kala gaaray Dhinacyadii shalay galab isku riiqmay ee Dagaalka Guricel, iyadoo ay soo baxaayaan in Dowladda Federaalka ay Ciidamo dheeraad ah oo ka tegay Muqdisho iyo Jigjiga ay gaareen magaalada Dhuusomareeb, xilli Galmudug iyo dowladda ay jab weyn kala kulmeen dagaalkii shalay…

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa New Police Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia Oo tiradoodu lagu sheegay 300 ayaa Gaaray Magaalada Dhuusa mareeb, halka Dowladda Federaalka ay u dirtay shalay Galab diyaarado siday 300-400 Oo Ciidamo isku dhaf ah( Duufaan, Gorgor, Haramcad & Waran).

Wararka ayaa sheegay in khasaarihii shalay galab Ciidamada Dowladda gaaray kadib, ayaa Farmaajo iyo Qorqor waxey ku adkeysteen in dagaalka ay sii wadaan inkastoo Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ay ka soo horjeesteen in dagaalka la sii wado, waxeyna sheegeen in Dagaalka Muhiimadiisa laga leexiyay, iyagoo ka digay inuu Dagaalka noqdo mid “Caqiido”.

Dhinacyadaan diraray ayaa waxey shalay la kulmeen khasaarooyin xooggan, iyagoo ku waayay Saraakiil sare Oo Dagaalka hogaamineysay, halka Qaar ka mid ah ay diideen in dad walaalo ah la isku laayo, Dagaalka ayaa laga yabaa inuu dib uga qarxo gudaha Magaalada, dhaawacyada Ciidamada Dowlada ayaa loo daabulay magaalada Dhuusamareeb, balse ilaa hadda waxaan la ogeyn halka ay Xoogaga Ahlu-Sunna geysatay dhaawacyadii shalay ilaa maanta ciidankooda ka soo gaaray dagaalka.

147470cookie-checkDagaalka Guricel Iyo Gurmadyada Gaaray Furimaha