Saraakiisha CIA Oo Horistaagay Cunaqabateyn La Saari Lahaa Fahad

Somalia news

Maqaal dheer oo Wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada Saraakiisha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday sida ay ugu dhex milantay siyaasadda Arrimaha gudaha ee Somalia…

Qoraalka Wargeyska ayaa lagu shaaciyay in Saraakiisha CIA-da ay is-hortaagtay isku day la doonayey in hadda kahor cunaqabateyn lagu saaro Agaasimihii hore ee Hey’adda NISA Fahad Yaasiin, oo hadda ah la-taliyaha amniga ee Farmaajo, Waxaana Cunaqabateynta lagu fasiray inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay mudfo kordhintii Xildhibaanada Baarlamaanka.

Saraakiisha CIA-da ayaa saldhig ku leh garoonka Muqdisho, waxayna si dhow ugala shaqeysaa Hey’adda NISA dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyagoo gacan ka hela Saraakiisha Sirdoonka Qatar iyo Turkey ee ku sugan Magaalada Mogadishu.

Tallaabada CIA ayaa farriin qaldan u dirtay saraakiisha Somalia oo ku saabsan ahmiyadadaha Mareykanka, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha reer galbeedka. “Waxay arkeen in ficilkooda iyo qolkooda uu kala duwan yahay, taasoo horseeday in laga aami baxo.

Wargeyska ayaa sheegay in Horjoogaha (Cabdullaahi Cusmaan Maxamed alias Ing.Ismaaciil) ugu sareeya Qaraxyada Kooxda Shababka uu yahay Saxiibka Adeege Fahad Yasin, iyadoo Wasaarada Arrimaha Dibeda USA ay u aqoonsatay Argagixiso Caalami ah, isagoo sidoo kale ah Madaxa Warbaahinta Al-Kataa’ib, wuxuuna ka-taliye u yahay Horjoogaha Guud Ee Kooxda Shababka Axmed Diiriye.

147530cookie-checkSaraakiisha CIA Oo Horistaagay Cunaqabateyn La Saari Lahaa Fahad