Mahdi Guuleed Oo Lagu Eedeeyay Xadgudubyo Iyo Musuq

Somalia news

Sida ku cad Warqadda Hoos ku xusan, kana soo baxday Xafiiska Kusimaha Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka Mr.Mahdi Guuleed, ayaa wuxuu si ka baxsan nidaamka Dowladeed uu culeys ugu saaray isla markaasna si toos ah ula wareegay una jiheynayaa howlaha Xarunta qaran ee ka digista Halis-wadareedka (National Emergency Oporation Centre-NEOC) oo katirsan Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Mas’uul xil sare ka haya Xafiiska Ra’isalwasaaraha ayaa ka dalbaday Wasiirka gargaarka & Maareynta Musiibooyinka xildhibaan Xamza Siciid Xamza inuu si ka baxsan Nidaamka Dowladeed uu u saxiixo qoraal qeexaaya in Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ku wareejisay xafiiska Ra’isalwasaaraha maamulidda iyo jiheynta Xarunta qaran ee ka digista Halis- wadareedka, Qoraalkaasi waxa laga soo qoray Xafiiska Ra’isalwasaaraha.

Wasiirka ayaa ka warwareegay inuu saxiixo Warqaddaas balse dhowr beri kaddib sii hayihii xilka Ra’salwasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoray Warqaddan lagu ogeysiinayo dhammaan Waddamada deeq-bixiyeyaasha & Shaqa-wadaagga la ah dowladda federaalka Soomaaliya in xarunta NEOC ay ku dhex shaqeyn doonta Xafiiska Ra’isalwasaaraha iyada oo xafiiskuna si dhow ula shaqeynayo.

Xarunta qaran ee ka digista Halis- wadareedka (National Emergency Oporation Centre-NEOC) waxa loogu yaboohay lacag dhan 6.5 Milyan (Lix milyan iyo Bar) oo ay wada bixinayaan Bangiga Adduunka & dowladda Sweden, Bangiga Adduunka ayaa bixinaya 4 Milyan, halka dowladda Sweden ay ku yaboohday 2.5 Milyan (laba Milyan & Bar).

62620cookie-checkMahdi Guuleed Oo Lagu Eedeeyay Xadgudubyo Iyo Musuq