Dagaalo Qarar oo ka Qarxay Degmada Ceel dheer ee Gobolka Galgudud..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal culus ayaa ka qarxay magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud kadib markii ay weerar ay ku soo qaadeen subaxnimadii Saakay (Sabti) Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka, iyadoo ay la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo…

Warar ay soo dhigeen Barta Telegram-ka koox taabacsan Argagixisada Shababka ayeey ku sheegeen inay “buux-dhaafiyeen” Fariisimada Ciidamada Dawladda kuna hareeraysan yihiib magaalada laakiin sheegashada si madax banaan looma xaqiijin, Khasaaraha ilaa hadda lama oga. Ciidamada Dowladda federaalka iyo Xoogaga Maxalliga ah ayaa markii hore magaalada ka qabsaday al-Shabaab bishii Janaayo 2023 xilligaasoo ay socdeen dhaq-dhaqaaqyo Ciidamada.

Ciidamada Dowlada ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore ka baxay Ceel-dheer, kadib markii ay duulaan ay ku qaadeen degaanka Cawsweyne, balse bishii December ayay dib ugu laabteen, Hogaanka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyaa ineysan qorshe cad i dejin dagaalada looga soo horjeeda Kooxda Argagixisada taasoo horseeday iney Ciidamadu khasaare kala kulmaan

330560cookie-checkDagaalo Qarar oo ka Qarxay Degmada Ceel dheer ee Gobolka Galgudud..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *