DEG-DEG:-Muuse Biixi oo Sheegay in Ciidamada uu kala baxayo Laascaano

Somalia news

Warar loo qaateen ah ayaa sheegaaya in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu durnimadii maanta la xariiray Wakiilada Caalamiga ah ee daneeha Arrimaha Soomaaliya (C6+), wuxuuna ku wargeliyay inuu Ciidamadiisa ka qaadayo degaanka Gooja-Cadde ee duleedka Magaalada Laas caanood isla markaasna uu geynayo aag Laascaanood u jira 30-KM, taasoo ahayd wixii ay Odayaasha isku diideen 10-kii bishan, xiligaasoo aysan dhicin dagaaladii khasaaraha badan geystay…

Xogo laga helayo Xarunta Magaalada Hargeysa (Somaliland) ayaa sheegaya in jahawareer ka jira gudaha Taliska Xoogaga Hubeysan, Madaxweynaha iyo Koox ka mid ah Saraakiil iyo Siyaasiyiin ay doonayaan in ay iskugu tagaan ciidankooda delegaanka Yagoori ee Gobolka Sool, halkaasoo ay difaac ka xirantaan, laakiin ay jirto kala qeybsanaan ka dhan ah kala amar-qaadashada, iyadoo Aroornimadii Saakay Somaliland ayaa Xoogageedii kala baxday aagaga Tukaraq iyo Gambadha waxaana qabsaday dadka degaanka.

Dagaalkii shalay ka dhacay galbeedka Laascaanood oo ay ku taal xerada Guulwade oo ay daganaayeen Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Horgale Mahad Cambaashe ayaa keenay niyad jab soo degdegay oo ay la huleeleen Xoogaga Somaliland, waxaana jira khasaare baaxad leh oo dagaalkaas kasoo gaaray.

244090cookie-checkDEG-DEG:-Muuse Biixi oo Sheegay in Ciidamada uu kala baxayo Laascaano