Macangagnimada Farmaajo Oo Dalka Dagaalo Sokeeye U Jiheeyay

Somalia news

Is-mariwaaga Ka dhashay Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka Ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ayaa sii daba dheeraanaya, iyadoo xiisadani bishii labaad la guda galay welina aan laga gaarin heshiis wada oggol ah oo lagu qabto Doorashada, waxaana lagu Eedeeyay Macangagnimada Mr.Farmaajo….

Maamulada Gobolada ayaa ku doodaya in aan la dhaqan gelin heshiis laga gaaray Maleeshiyaadka (Ciidamada) Dowladda Federaalka ay geysay Gobolka Gedo, sidoo kale Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku doodaaya in Guddiyada Doorashada ay ka mid yihiin Shaqaalaha Madaxtooyada, Ciidamada NISA iyo Taageerayaasha Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo loona baahan yahay in la saxo.

Dhowaan ayeey Guddiyada Doorashada oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland ay iska dhex doorteen Gudoomiye iyo Kuxigeen, talaabadaan oo ay ku tilmaameen mid ka hor imaaneysa Hanaanka Doorashada ee horey loogu heshiiyay, Mr.Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu qabanaayo Doorashada xilli muranka aan xal loo helin. Wuxuuna weydiistay Jubbaland iyo Puntland iney soo dhameystiraan Xubnaha ku metelaaya Guddiyada Doorashada.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com u xaqiijiyay in Maamulka Farmaajo uu ka fekeraayo Inuu Maamulada Galmudug, Hir-Shabelle iyo Konfur galbeed qaban lahaayeen Doorashada, inkastoo Talaabadaan ay ka digeen Odayaasha iyo Waxgaradka Soomaaliyeed horseedina karta inuu dalku galo qalalaasi amni iyo gacan ka hadal.

Waxey kaloo ka digeen Hadalada xanafta leh ee Nabada aan taageersanin Ee Danjiraha USA Ee Somalia uu shalay ka jeediyay Kulankii Iskaashiga Caalamka iyo Somalia, isagoo ka digay “ Doorasho iska soo horjeeda, dib u dhac iyo wax ka bedelka Heshiiska Doorashada ee dhex maray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

77410cookie-checkMacangagnimada Farmaajo Oo Dalka Dagaalo Sokeeye U Jiheeyay