Dalal Badan Ayaa Xayiraado Ku Soo Rogay Muwaadiniinta Kenya

Africa News

Waxaa sii kordhaaya tirada Dalalka xayiraadaha ku soo rogaaya Muwaadiniinta Kenya kuwaasoo safaro uga baxa dalkooda, kadib markii ay aad u kordheen tirada Dadka qaba Cudurka safmareenka ee Coronavirus, isla markaasna ay Dowladda ka gaabisay iney xakameyso…

Wararka ayaa sheegsya in 54-Dal ay xayiraado ku soo togen dadka heysta Baasaboorka Kenya, Hey’adda Henley Passaport Index oo la socota dhaqdhaqaaqa safarada ayaa soo saartay warbixino muujinaya sida cudurka u saameeyay Muwaadiniinta Dalka Kenya, iyadoo Dalalka Australia, UK, Canada, Portugal iyo Denmark ay joojiyeen iney Dal ku gal siiyaan Muwaadiniinta wata Passports Kenya.

Iyadoo Wararka qaarkood aya sheegayaan in Dalka Kenya uu aad ugu faafay Nooca Delta Ee Coronavirus, labada bilood Ee soo socotana laga yaabo iney aad u kor Dhaan bukaanada Uu Cudurkaan soo rito, nooca Cudurka ayaa aad ugu faafay galbeedka Dalka, waxaana laga digay inuu ku faafi karo Dalalka deriska la ah.

128920cookie-checkDalal Badan Ayaa Xayiraado Ku Soo Rogay Muwaadiniinta Kenya