Guusha William Ruto ee Doorashada Kenya ma ku Hagaajin doonaa Xiriirka Somalia

Africa News Somalia news

Inkastoo shalay gelinkii dambe ay Guddiga Doorashada Kenya ku dhawaaqeen Natiijada Doorashada isla markaasna uu ku guuleystay William Ruto 50,48% una dhiganta 7,176,142 cod, loona doortay inuu noqdo Madaxweynaha Dalka Sanadaha 2022-2027, inkastoo uu diiday Natiijada Doorashada Musharixii kale..

Waxey u badan tahay in Siyaasada iyo xiriirka Diblomaasiyayeed ee Kenya & Somalia uusan isbedel buuraan ku imaan doonin, Wuxuuna Madaxweynaha cusub ku qasban yahay inuu xurmeeyo Heshiisyadii dhowaan ay wada gaareen 2-da Madaxweyne.

Khubarada ka faalaato Arrimaha Siyaasada ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub hadii uu ka soo gudbo Dacwooyinka ay Maxkamada Sare isla shalay u gudbiyeen Xisbiga Musharaxa laga guuleystay, waxaa kaloo horyaala dhaqan gelinta Heshiiska Ganacsiga Kenya & Somalia kala saxiixdeen, inuu go’aan ka gaaro Siyaasada Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolada Jubooyinka iyo Shaqaale shaqo doonka ah ee 2-da Dal.

Dhanka kale, Waxaa aad loola yaabay kadib markii Madaxweynihii hore (Farmaajo) iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Konfur galbeed ayaa dhambaal hambalyo ah u direen Madaxweynaha Kenya, waxaana lagu fasiray iney doonayaan iney Fariisimo ka dhigtaan magaalada Nairobi, iyagoo Addis abeba & Asmara u arka ineysan laheyn furfurnaan siyaasadeed iyo galaangalka magaalada Nairobi leedahay, iyadoo ay Xafiisyo badan oo UN-ka Wakiilada Beesha Caalamka ay ku sugan yihiin.

207880cookie-checkGuusha William Ruto ee Doorashada Kenya ma ku Hagaajin doonaa Xiriirka Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com