Madaxii Amniga Internet-ka NISA Oo Geeri & Nolol Lagu La’yahay

Somalia news

Warbixino is-Khilaafsan oo mugdi badan ku wareegsan yahay ayaa ka soo baxaaya Madaxii Amniga Internet-ka Ee Hey’adda NISA Mrss.Ikraan Tahliil Faarax ayaa la sheegay in muddo 26-maalmood geeri iyo nolol lagu la’yahay, Muwaadinadaan oo da’deedu aheyd 24-sano jir, iyadoo la sheegay iney afduubteen Saraakiil ka tirsan NISA….

Wararka ayaa sheegaya in Gabadhaan lagu qaaday Gaari uu leeyahay Yaasin Farey Madaxa NISA ee Gobolka Benadir, agagaarka Xarunta Hey’adda Nabadsugida, Gabadha maqan Hooyadeed Mrs.Qaali Maxamuud Guuleed oo safar kaga timid Magaalada Ankara (Turkey) ayaa baaq toos ah u dirtay Hogaanka NISA iyo Farmaajo.

Cilmiga Baarista Dembiga wuxuu leeyahay Fal-dembiyeed kasta wuxuu reebaa Raad raac oo ugu dambeyntii ku gaarsiin kara Xaqiiqda, hadaba hadii la baaro Kaamirooyinka Ku tixan Inta u dhaxeysa Hotel Royal, Xarunta NISA, Hotel Dorbin, Wasaarada Boostada ilaa Xarunta Nabadsugida Gobolka, waxaana la heli karaa Macluumaad dhab ah hadii ay CCTV la fara-fareyn, ku darsoo Isla xiligaas ayaa la sheegay in Gaari Ambalas ah ka soo soo baxay Xarunta Nabadsugida Gobolka Isbitaalada ma tegin, wuxuuna gaariga toos u aaday Magaalada banaankeeda.

fiiro gaar ah Gabadha maqan Laptop-dii Waa la qaatay.

128950cookie-checkMadaxii Amniga Internet-ka NISA Oo Geeri & Nolol Lagu La’yahay