Dalka Sudan Oo Maxkamada ICC Hordhigtay Caddeymo Muujinaaya Degmbiyada Dagaak ee Lidiga ku ah Dalka UAE..

Africa News Security Somalia news

Dowlada Sudan ayaa lagu soo waramayaa iney dacwad u gudbisay Maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), taasoo ay ku eedaysay Imaaraatka Carabta iney jabisay xeerarka Caalamiga ah ee dhanka ka ah Xasuuqa kadib markii ay hub iyo Saanad si joigti ah ugu gudbisa kooxda Rapid Support Forces (RSF) oo ah koox ku lug leh xasuuqa guud ahaan Gobolada Dalka Sudan…

Intii lagu guda jiray dhageysiga Dacwada ee Abriil 10, Qareenada Dalka Sudan ayaa la sheegay iney Xeer-beegta Maxkamada ka codsadeen tallaabooyin ku meel gaar ah oo lagu joojinayo taageerada lagu eedeeyay Hogaanka Imaaraadka, iyadoo Garsoorayaasha Maxkamadda ICJ la filaayo inay soo saaraan go’aan ku saabsan tallaabooyinkan May 5.

Wararka ayaa sheegaya in Horumar la taaban karo ee Qareenada gaareen ayaa ah iney iftiimiyeen qeylo dhasna ka soo saareen dhaq-dhaqaaqyada Diyaaradaha Xamuulka UAE ka wado Garoonka Doyaaradaha Boosaaso ee Somalia iyo door la sheegay in Hogaanka maamul goboleedka Puntland ee Siciid Cabdullaahi Deni uu ku leeyahay fududaynta taageerada RSF, Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo loo qaateen ah, Khartoum ayaa raadinaysa tallaabooyin dheeraad ah oo ku meel gaar ah oo lagu beegsanayo hawlgalladan iyo shakhsiyaadka fududeeya Duulimaayada Hubka, Saadka iyo Calooshood u shaqeyatayaal u dhashay Dalalka Latine America.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa iney beeniyeen dhammaan eedeymaha, iyagoo dood ka keenay dhageysiga Dacwada ICJ, waxeyna ku tilmaameen kiiska Kiiska Qareenada Dalka Sudan mid siyaasadeysan oo lagu doonaayo in Hogaanka Dalka lagu magac dilo.

370800cookie-checkDalka Sudan Oo Maxkamada ICC Hordhigtay Caddeymo Muujinaaya Degmbiyada Dagaak ee Lidiga ku ah Dalka UAE..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *