Khatarta Ka Dhalan Karta Ku Shubashada Doorashada

Somalia news

Inkastoo Doorashooyinka Dadban Ee Somalia ay yihiin kuwo cadaalada ka fog, hadana Doorashadii la qabtay 8-dii Sano ee u dambeysay, waxey u muuqdeen kuwo ka fog Cadaalada, Sanadkaan dib u dhaca Doorashada oo si bareer ah u sameeyeen Maamulka Muddada ka dhamaatay, si loo oggolaado iney iska maamushaan Doorashada..

Dib u dhaca ayaa wadada u xaaray the n Kooxda Xalane fadhida Oo qeyb ka ah Dhibaatada Dalka Ka Taagan ayaa culeysyo ku saartay Maamulka Fashilmay iyo Maamulada Gobolada iney ka wada xaajoodaan heshiis siyaasadeed la isla wada oggol yahay, iyadoo Khilaafka soo afmeeray 17-kii September 2020-kii, waxaana loo xil saaray Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta inuu hogaamiyo geedi socodka Doorashada iyo hirgelinta heshiiska.

Dib u dhigista xeeladeysan ee Doorashada:-

Waxaa soo shaac baxday in Qabashada (54-Xubnood) Doorashada Aqalka Sare inuu qaatay muddo 4-bilood ah, iyadoo inta badan Senatorada lagu soo xushay rabitaanka Maamulada Gobolada iyo Villa Somalia, Xiligaan Waxaa socoda laguma tilmaami karo Doorasho dadban, Ee Waa boob iyo ku shubasho, iyadoo loo aaneynaayo 3-sababood.

-Waa Musuqmaasuq iyo boob hareeyay Doorashada dadban, iyadoo Maamulada Konfur galbeed iyo Galmudug ay diideen iney Musharixiinta ka qabtaan Codsiyada xoog iyo Ciidamana u adeegsaday iney ku meel mariyaan Musharixiinta taageersan Farmaajo.

-Maamulada qaarkood Oo Diiday iney si daah furnaan ah u qabtaan Doorashada dadban, waxaana lagu eedeeyay dib u dhaca bareerka ah Ee Doorashada, iyagoo doonaya in dib loogu noqdo heshiiska 17-kii September gaar ahaan degaanada laga qabanaayo Doorashada.

-Eedeysanayaal Xildhibaano loo doortay si ay xasaanad u helaan dembiyadii ay geystay, waana ayaan darro in Dalkaan dib loogu celiyo Dagaalkii sokeeye.

152860cookie-checkKhatarta Ka Dhalan Karta Ku Shubashada Doorashada