Waraabe Oo Dacwado Lagu Soo Oogaayo

Somalia news

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa xasaanadii ka qaaday Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID, iyagoo ku soo eedeeyay inuu jebiyey dastuurka, isla markaana ahlis ku yahay nabadda iyo midnimada dadka maamulkaasi….

Qoraal ka kooban 5 bog oo kasoo baxay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa go’aamiyey in Feysal Cali Waraabe uu yahay nin aan ixtiramin, kuna dhaqmin dastuurka iyo inaan loola dhaqmin inuu yahay guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxaaana laf faray Guddiga diiwaangelinta ururadda iyo ansixinta Xisbiyada inuu xasanadda ka qaado Feysal si loogu soo oogo dacwadda denbiyada uu galay.

Arrintan ayaa salka u haysa hadallo qadaf ah oo Feysal Cali Waraabe dhowaan ka sheegay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

45060cookie-checkWaraabe Oo Dacwado Lagu Soo Oogaayo