Muddo Xileedka Danjiraha Somalia Ee Jabuuti Oo Dhamaaday

Somalia news

Sida lagu caddeeyay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somalia, ayaa lagu sheegay in Danjiraha Maxamed Cali-nuur Xaaji, ayaa muddo xileedkiisa Safiirnimo Soo dhamaaday, iyadoo aan la caddeynin cidda bedeleysa….

Danjiraha ayaa loo magacaabay Xoghayaha Joogtada Wasaarada Arrimaha Dibada, intuusa ka soo tagin Magaalada Jabuuti ayaa dhowr xafladood loo qabtay, wuxuuna ka gudoomay Wasiirka 1-aad ee Jabuuti Mr.Abduolkader Kamil Mohamed Bilad sharaf la xiriirta shaqadii uu ka soo qabtay Dalkaasi.

Sidoo kale waxaa shahaado sharaf kale gudoonsiiyay Xoghayaha fulinta ee Ururka IGAD, Mr.Workneh Gebeyehu lana xiriirta kaalintiisa la xiriirta Nabada, Amniga iyo Horumarinta ee Gobolka

45530cookie-checkMuddo Xileedka Danjiraha Somalia Ee Jabuuti Oo Dhamaaday