Dalkee Fuliyay Duqeyntii Buuraha Calmadow ee Puntland Maxeyse USA iskaga Fogeeyeen…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa duqeyn Drones Dowladda Federaalka ay shaacisay inay ka fulisay Degaanada Puntland, iyadoo kaashaneysa saaxiibada Beesha Caalamka, inkastoo si deg deg ah uga soo jawaabeen Maamulka Garoowe iyo Taliska Ciidamada Africom oo iska fogeeyay inuu qeyb ka ahaan duqeyntaasi…

Maamulka Gooni daaqa ah ee Puntland ayaa sidoo kale ayaa si dadban u beenisay howlgalka ay shaacisay Dowladda Federaalka, iyadoo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Hay’adda NISA aysan ka howlgelin Degaanada ay maamusho kuna tilmaamtay waxba kama jiraan yahay warka kasoo baxay Dowlada.

Dalkee Duqeyntaasi Fuliyay

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Drones-ka Bayraktar TB2 ee Turkiga kuwaasoo markii ugu horeysay duqeyn gantaalo ka fuliyay dhulka Buuraha Calmadiw, ku darsoo Dadka Degaanka ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay Degaanka la sheegay in duqeeeyay, laakiin aysan jirin cid xaqiijisay sida ay waxa dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Mareykanka ayaa caadiyan fuliya Weerarada Drone ee ka dhaca Puntland oo saldhigyo waaweyn ay ku leeyihiin Daacish iyo Kooxda Shababka, balse su’aasha taagan ayaa ah in Turkiga oo ah Dowladda aad u taageerta Dowladda Federaalka ay markii ugu horeysay duqeyn ka fulisay Gobolka Sanaag.

329160cookie-checkDalkee Fuliyay Duqeyntii Buuraha Calmadow ee Puntland Maxeyse USA iskaga Fogeeyeen…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *