Dib usoo Labakacleynta Dagaalada Beelaha & Damqasho La’anta Dowladda..

Uncategorized

Waxaa degaano Dalka ka tirsan dib uga qarxay dagaalada Beelaha kaasoo galaaftay Nolosha Muwaadiniin badan oo heybtooda Beeleed loo dilay, halka Guryahooda dab la qabadsiiyay, Maamulka Villa Somalia oo lagu eedeeyo inuu ka gaabiyay deminta dagaalada beelaha, kuwaasoo xoogood uu ka socday Degaanka Raage-Ceele iyo Cadale, halka Dagaalo kale ay ka qarxeen degaano hoos taga Cadaado iyo Cabudwaaq..

Inkastoo Dadaalo Nabadeed oo ay Hormuud ka yihiin Madaxweynihii Dowladii KMG ahyed (Sheekh Shariif) Odayaasha Dhaqanka ay culeys ku saareen Beesha Cabdalla Caroone iney Qaataan baaqa ah Xabad joojin shuruud la’aan ah, dagaalkaan ayaa socday in muddo kaasoo sababay dhimasho, dhaawac, Barakac iyo degaano la gubay, iyadoo dagaal-beeleed qaraar ilaa hadda ka socda dhowr Jiho waxaana lasoo werinayaa in Dowlada Federaalka iyo HirShabeelle ay ku fashilmeen xal u helidda dagaalkaan soo noqnoqday.

Dhanka kale, waxaa maalinti 2-aad dagaal beeleed u dhaxeeya Beelaha Saleyman (HB) iyo Wagardhac (Mareexaan), Dagaalkaan ayaa ka bilaawday Dil bareer ah oo 2-xubnood ka soo jeeda Beesha Cadaado oo lagu dilay Degmada Balanbale, maleeshiyaad ku heyb Marxuumiinta ayaa iyaguna dilay 6-Qof oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan.

267880cookie-checkDib usoo Labakacleynta Dagaalada Beelaha & Damqasho La’anta Dowladda..