Odayaasha Gobolka Gedo Oo Soo Saaray War-Saxaafadeed ku aadan Doorashada

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya kulan ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka ayeey uga doodeen Xaalada Cakiran ee doorashada 16-ka kursi ee loo asteeyay in lagu qabto magaaladaasi, taasoo aan ilaa hadda heshiis aysan ka gaarin dhinacyada isk haya…

Kulankaan ayaa Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ka soo saaray war-saxaafadeed ka kooban lix qodob, waxayna Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyeen inuu ku eegtay dulmi ay sheegeen inuu ku hayo maamulka Jubaland, iyagoo qodobadaasi ku soo koobay walaacooda ka dhashay daahitaanka iyo hubanti la’aanta doorashada 16-ka kursi ee taalla magaalada Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Odayaasha waxay sidoo kale bayaankaan ku cadeeyeen inay aqbaleen heshiisyadii laga gaaray doorashada, iyagoo aan aqoonsaneyn maamulka Axmed Madoobe, sida ay hadalkooda u dhigeen, Guddiyada doorashada ayey ugu baaqeen inay qaataan masuuliyada doorashada Garbahaarey, iyagoo ku qabanaya si waafaqsan heshiisyada doorashada.

179640cookie-checkOdayaasha Gobolka Gedo Oo Soo Saaray War-Saxaafadeed ku aadan Doorashada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com