Damaca Badda ee Dalka Ethiopia oo Horseeday inuu Khalkhal Ku Yimaado Amniga Geeska Africa..

Africa News Security Somalia news

Xog-uruurin sirdoon ayaa daaha ka rogeysa in Damaca Badda ee Dalka Ethiopia ee Xeebaha Somalia ayaa horseeday inuu khalkhal ku yimaado Amniga iyo Xasiloonida Dalalka Geeska Africa isla markaasna albaabada u furay Hub Uruursi iyo in dib u dilaacaan Boogihii huursanaa ee colaadaha ka dhaxeeyay Somalia & Ethiopia…

Inkastoo Xaaladaha Abaaraha, Colaadaha Beelaha iyo kuwa Argagixisada ee ka tagnaa Dalalka Geeska Afrika oo markii horeba la kacsanayd ayaan xiligaan u muuqan mid horseedeysa Nabada Waarta, maadaama ay Ethiopia Heshiis aan laga fiirsan oo shul/xeeb boob ku dhisan la gaartay Maamulka Waqooyiga Somalia, waxeyna talaabadaasi soo dedejisay in Dalka Egypt ay kordhisay doorkeeda iyo Saameynteeda ee Somalia, taasoo sii shiday xiisadda kala dhaxaysa Ethiopia…

Xiisadaha Biyaha Nile & Biyo-xireenka

Dalalka Egypt iyo Sudan oo Ku-tiirsanaantoda heshiisyada duugoobay—heshiiskii 1929 iyo heshiiskii 1959-ka kama tarjumayo xaqiiqooyinka juqraafiyeed ee hadda jira ama baahiyaha dalalka korka kaca ah sida Ethiopia, Heshiisyadii hore, oo ay weheliyaan isbedelladii ugu dambeeyay ee xulafada gobolka iyo xiisadaha sii kordhaya, ayaa abuuray xaalado horseedi kara colaad hor leh oo dhiig badan ku daata isla markaasna ka abuuro xasillooni darro ah oo ku saabsan biyaha Nile-ka.

Laga soo bilaabo Luulyo 2014 ilaa Agoosto 2022, Konfurta Sudan iyo Uganda waxay ahaayeen xulafada Dalka Masar, iyagoo taageeraya istiraatiijiyadda Qaahira, Si kastaba ha ahaatee, Masar ayaa caqabado kala kullantay hirgelinta istaraatiijiyadeeda ka dhanka ah Ethiopia ee Konfurta Sudan, iyadoo ay ugu wacan tahay mucaaradad weyn oo maxalli ah, gaar ahaan beesha Nuer oo xiriir taariikhi ah la leh Ethiopia.

Dhowaan, Somalia iyo Erterea, oo mar ahaa xulafo saaxiibo la ah Ethiopia, ayaa mawqifkoodii bedelay, sababo la xiriira isbeddellada siyaasadeed ee gabi-dhacleynaaya lana jaanqaaday Egypt waxaana gadaal ka riixaya laba arrimood oo muhiim ah, Ugu horrayn, Somaliland- oo ah maamul-goboleed ka falaagoobay Somalia oo aan haysan aqoonsi caalami ah ayaa horantii sanadkan heshiis la saxeexatay Ethiopia Heshiiskan ayaa u ogolaanaya Maamulka Addis inay hesho dekedaha gacanka cadmeed iyo badda cas, Dawladda Somalia oo u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa heshiiskaasi u aragta mid khatar ku ah Qaranimadeeda.

Laba-Daraadle, Somalia waxay ku hanjabtay inay adeegsan doonto dhamaan wadiiqooyinka ay diyaarsatay oo ay ku jiraan tallaabo milateri oo suurtagal ah, iney Aqoonsi u fidisi Jabadaha Hubeysan Mucaaradka ee Fano iyo Tigray si ay uga hortagto Ethiopia isticmaalka xeebaha istiraatiijiga ah ee Waqooyiga Dalka, Isbedelkan ayaa si weyn u saameeyay la jaan-qaadka Somalia iyo Masar, iyagoo labaduba doonaya inay ka hortagaan saameynta iyo fara gelinta sii kordheysa ee Ethiopia.

343220cookie-checkDamaca Badda ee Dalka Ethiopia oo Horseeday inuu Khalkhal Ku Yimaado Amniga Geeska Africa..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *