Shirkad Musuqmaasuqday Mashruuc Loogu Talo galay Somalia..

Africa News Somalia news

Bangiga Aduunka (World Bank) ayaa liiska Madow ku daray Shirkad dhanka la-talinta ka shaqeysa Oo fadhigeedu yahay Dalka Kenya, kadib markii lagu helay eedo la xiriira iney Musuqmaasuqday Mashruuc loogu tala gala Dalka Somalia…

Baaritaano u Sameeyay Xafiiska La-dagaalanka Musuqmaasuqa, ayeey ku heleen Shirkadda African Development Professional Group (ADP), iney is daba marin ku sameeyeen Mashruuc Malaayin US$ Ku baxeysay oo la-talin Dhanka Maamulka, Maalgelinta, Ganacsiga & Shirkado Wasaaradaha Dowladda Federaalka Somalia.

Bangiga ayaa Qandaraas ku bixiyay, kaasoo loogu talo galay inuu socdo 21-bilood, iyadoo loo xilsaaray Shirkadda ADP, iyadoo lagu eedeeyay iney si bareer ah u lunsatay dhaqaalihii, talaabadaasi horseeday in lagu daro liiska madow (Black List) laguna wargeliyay in aan Bangiga dib dambe ula macaamili doonin.

Mashruuca la Musuqmaasuqay ayaa loogu tala galay in sare loogu qaado awoodaha Hey’addaha Dowladda Federaalka, waxaana ka mid ahaa Wasaarada Maaliyada iyo Bangiga Dhexe Oo kala shaqeynaayay dib u habeynta Nidaamka Maaliyada Dalka, iyadoo aan la shaacin cadadka dhaaaalaha la xaday, inkastoo Saraakiisha Bangiga Aduunka ay ku qiyaaseen Malaayiin US$.

150400cookie-checkShirkad Musuqmaasuqday Mashruuc Loogu Talo galay Somalia..