Madaxtooyada Villa Somalia Oo Xilkii ka Xayuubisay Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda..

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda Dr. Xasan Cumar Mahad-Alle, isagoo si Ku Meel gaar ah Guddoomiyaha Jaamacadda ugu magacaabay Dr. Xasan Cismaan Gacal…

Ilaa hadda lama yaqaano in xil ka qaadistan la xiriirto baxsashadii Madaxii Kulliyadda Arrimaha Bulshadda Qeybta Saxaafadda Nageeye Cali Khaliif oo ku biiray kooxdq Argagixisada Shabaabka, iyadoo ay taagneyd Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Gudoomiyaha & Mas’uuliyiinta Wasaarada Waxbarashada.

Guddoomiyaha Jaamacadda ee xilka laga qaaday ayaa dhowaan cabasho ka keenay hannaanka Maamul ee Jaamacadda oo ay muuqatay in hoggaanka jaamacadda uu is qabqabsi dhanka maamulka ka jiray, kaddib markii uu khudbad ka jeediyay Shirkii Arrimaha Waxbarashada ee Heritage soo qaban qaabisay.

282110cookie-checkMadaxtooyada Villa Somalia Oo Xilkii ka Xayuubisay Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com