Dambiyada Kufsiga iyo Tacadiyada loo geysto Dumarka oo ku soo Badanaaya Degaanada Somalia…

Somalia news

Warbixino amaan ayaa daaha ka rogaaya in sanadihii ugu dambeeyay ay degaanada Maamulada Puntland iyo Somaliland ku soo badanaayay Dembiyada Kufsi wadareedka iyo tacadiyada Haweenka, iyadoo Falalkaan qaarkood la sheegay inuu gaaro Dil loo geysto Gabdhaha iyo Haweenka..

Inkastoo Culu’maadiinka Qareenada iyo Hey’adaha Amaanka ay wacyi gelin la xiriirta Falalkaan ka sameeyeen degaanada qaarkood ayaan hakin Kufsi-wadadeerdka, waxaana la sheegay in Dembiyadaan ay noqdeen kuwo joogto ah Gabdhaha iyo Haweenkana dhibaato iyo cabsi ku haya, marka la eegi tirakoobyada bilowga Sanadka ilaa bartamaha laga gaaro.

Khubarada Amaanka iyo kuwa u dooda Xuquuqda Haweenka oo marar badan ka hadlay Tacadiyadaan iyo xeerarka la xiriira waxeyna isla qireen in loo baahan yahay in diyaariyo Shuruuc adag oo lagu xakameyn karo Dembiyada Kufsi wadareedka Dilalka xambaarsan si hoos loogu dhigo Falalka Kufsiga oo joogto noqday.

Waxaa marqaati ma doonto ah in Tacadiyaan ay kordheen sanadihii ugu dambeeyay iyadoo jariimadaan la sheego in Gabdha iyo Waaliidka dhalay ay qarsadaan dhibka halka kuwa Cadaalada raadsada culeys ay Hogaanada Maamulada ku saaraan Waalidiinta iney qaataan dhaqaale si aan loo fulin xukun ama looga gaarin Eedeysanayaasha.

331080cookie-checkDambiyada Kufsiga iyo Tacadiyada loo geysto Dumarka oo ku soo Badanaaya Degaanada Somalia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *