Maxaa Ka Jira in Xoogaga Amaanka Somaliland Afduubteen Sarkaal Ka Tirsan FAO..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Afduub loo geystay Sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo Lataliyihii/Cilmi-baaraha Hey’adda FAO Somalia, iyo Muwaadin kale oo magaciisa lagu sheegay Sahal Axmed Cabdullaahi, kuwaasoo lagu eedeeyay Basaasnimo…

Dr. Cabdiraxmaan Kulmiye oo haysta dhalashada Australia, isla markaasna horey u soo noqday Wasiiru Dowladaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Maamulka Puntland, Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa aad u soo kordhaayay Falalkaan afduubka Muwaadiniinta ka soo jeeda Degaanada Gobolka Sool iyo Puntland.

Falalkaan Afduubka maaha oo kaliya mid wiiqaya oo khatar gelinaya isu socodka Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga Soomaalida ee ka hawlgala guud ahaan Gobolada Dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Tallaabo sixid degdeg ah in la qaadaa.

292090cookie-checkMaxaa Ka Jira in Xoogaga Amaanka Somaliland Afduubteen Sarkaal Ka Tirsan FAO..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com