Kufsi & Dil loogu Geystay Degaano hoos taga Puntland Gabar 16 jir aheyd

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in Nimco Cabdiwali Cismaan oo ahayd 16 sano jir xaas ah, ayaa la kufsaday kadibna tooreey lagu dilay, sida uu warbaahinta ka sheegay Aabbaheed oo lagu magacaabo Cabdiwali Cismaan..

Wararka ayaa sheegaya in Falkaan lagu eedeeyay Eedeysanayaal uu horkacayay Saygeeda (Ninkeeda) ay ka afduubteen Marxuumada gurigeeda oo ku yaala deegaanka Daarusalaam oo hoostaga Degaanka Galdogob, kadibna ay ku dhufteen tiro tooreey ah ilaa ay ka naf-baxdo.

Marxuumada, Aabaheed oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay qaabka uu u dhacay falkaasi, isagoo sheegay in gabadhiisa si xun loogu tooriyeeyay 60 jeer, kadibna dhaawacyo halis ah oo kasoo gaaray ay u dhimatay markii dambe.

Dhacdadan ayaa dhacday Abriil 19, 2023, Kufsigaan ayaa ah kii 3-aad oo noociisa ah oo ka dhaca degnaada Puntland, Sanadkii 2019, Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabadh 12 jir ah ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo, Sidaas oo kale, Hodan Shanlayste ayaa isla sanadkaas kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Garowe.

253930cookie-checkKufsi & Dil loogu Geystay Degaano hoos taga Puntland Gabar 16 jir aheyd