Ma Dhabaa in Agaasime Xilka Looga Xayuubiyay Doonista Mashruuc Wiil uu Dhalay Dani

Somalia news

Faahfaano dheeraad ah ayaa laga helayaa Xil ka qaadis deg deg ah oo uu soo saaray Wasiirka Caafimaadka Puntland oo dhawaan shaqada kaga eryay Agaasimihii guud ee Caafimaadka Wasaarada Cabdirisaaq Xersi Aadan sida ay xaqiijiyeen ilo wargal ah…

Shaqo ka eryista Agaasimaha Guud ayaa soo shaac baxday kadib markii uu hor istaag ku sameeyay Doonista Mashruuc uu aad u daneynaayay Wiilka uu dhalay Mr.Dani, kaasoo hunguri ka galay inuu qeyb ka helo adeegyada ay bixiso Mashruuca “Damal” oo 4-ta sano ee soo socota laga fulin doono Gobolka Nugaal.

Mashruucaan oo tijaabo ahaan looga fulibaayo Gobolka ayaa taageero siin doona Xarumaha Caafimaadka iyo Isbitaalada, waxaana maalgelinaaya World Bank, iyadoo mid la mid ah laga fuliyay Gobolada Bay, Bakool iyo Hiiraan, Qoyska Deni ayaa hunguri ka galay iney ka macaashaan Mashruucaan Agaasimahana Xilkiisa ku waayay.

Wararka ayaa sheegay in Maxamed Xiddig oo adeer u yahay Mr.Dani ayaa loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka si KMG ah, iyadoo Qoyska iyo Ehelka hoose ee Madaxweynaha Puntland ayaa horey loogu eedeeyay iney faraha kula jiraan ka macaasha Ilaha dhaqaalaha Puntland dhowr jeerna cabasho xoogana laga soo saaray.

238950cookie-checkMa Dhabaa in Agaasime Xilka Looga Xayuubiyay Doonista Mashruuc Wiil uu Dhalay Dani
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com