Danjiraha UK ee Somalia Oo Lagu Eedeeyay inuu ku dhex-milmay Khilaafka Siyaasadeed..

Politics Somalia news

Waxaa qeylo dhaan ka soo yeereysaa Hogaamiyayaasha Maamulada Puntland & kuwa Dhaqanka ee Jubbaland kuwaasoo ku eedeeyay Danjiraha Dowlada Boqortooyada UK ee Somalia Mr.Mr Michael Nithavrianakis, inuu ku dhex milmay arrimaha gudaha & Khilaafka Siyaasada ee Somalia..

Warqad furan oo ay u direen Rt Hon David Lammy oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda, ee UK, waxayna uga hadleen walaaca ay ka qabaan waxay ugu yeereen eexda Dowladda Bowortooyada UK ee arrimaha siyaasadda Somalia, kadib markii lagu qabtay Xaflad Safaarada UK ee Magaalada Mogadishu uuna ka soo qeyb galay Madaxweynaha Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay Dowlada Boqortooyada UK iney tallaabo ka qaado wuxuu ugu yeeray “Qaswadayaasha” Siyaasadda, ereygaasi oo ay Dhinacyadaan u fasirteen inuu tixraac u yahay Hoggaamiyeyaasha ama Gobollada ka soo horjeeda Hananka doorasho, waxey ku doodaya in inkastoo rajada doorasho hal qof iyo hal cod ay tahay wax lagu ammaano, haddana iyadoo aan la isku raacsanayn ay wiiqayso horumarka Somalia.

Iyagoo ka digay in Dadka dhaliila lagu tilmaamo Qaswadayaal ay halis u tahay inay dhaawacdo dadaallada dowlad-dhisidda Dalka, ee u baahan isla xisaabtan, sinnaan iyo isu-duubni, Qoraalka ayeey ku xuseen in UK ay ilaaliso dhexdhexaadnimada doorkeeda diblumaasiyadeed, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in u eexashada hogaamiye ama xisbi kasta ay ku xad gudubto Madaxbannaanida Dalka.

350460cookie-checkDanjiraha UK ee Somalia Oo Lagu Eedeeyay inuu ku dhex-milmay Khilaafka Siyaasadeed..