Ma Dhabaa in Ari Shababku soo dhaceen lagu qabtay Gobolka Mudug

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga tiro badan oo Gadiid Xamuul Ari badan siday oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, iyadoo wararku ay sheegayaan in Arigaan laga soo dhacay Xoolo dhaqato Soomaaliyeed kadi markii Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababku ku weerareen degaanadooda..

Xogtaan ayaa xaqiijisay Gadiidkaan oo ay wateen Ganacsato ka soo jeeda Degaanada Galhareeri iyo Ceelgaras oo ka wada tirsan Gobolka Galguduud, wakiilna ka ahaa Shababka ay Arigaan dhoofin dibada ah u wadeen, balse Sumadaha Arigaan la aqoonsaday iney inta badan leeyihiin Beelaha Saleyman (HG) iyo Xawaadle, kuwaasoo Kacdoon hubeysan degaanada ka wada.

Wararka ayaa sheegay in Ganacasatadaan ayaa ka soo baxsaday Konfurta Gaalkacyo kadib markii Arigii la qabtay, waxaana la xaqiijiyay in Arigaan ay dhaceen Maleeshiyaadka Kooxda Shababka intii ay wadaan dagaalada ka dhan ah beelaha kor ku xusan, waana markii ugu horeysay ay la qabto Ari la soo dhacay.

Bartamihii July ee sanadkaan dagaallo ka qarxay degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo u dhaxeeyay oo u dhaxeeya argagixisada Shabaab iyo Shacab u istaagay difaaca Maalkooda, naftooda iyo degaannadooda ayaa sababay in guud ahaan dalka oo dhan laga dareemay in shacabku ku dhiirranayaan iska xoreynta kooxda Argagixisada.

214410cookie-checkMa Dhabaa in Ari Shababku soo dhaceen lagu qabtay Gobolka Mudug