Maxey Yihiin Mashaariicda Waxbarasho ee Qeylo dhaanta Ka Keeneen Maamulka Puntland..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Maamulka Puntland ayaa sheegaya iney qeylo dhaan iyo cabasho bilaabeen Maamulka Dani, kadib markii la hakiyay dhamaan Mashaariicdii horumarinta Waxbarashada, kadib markii ay xiriirkii wada shaqeyneyd u jareen muddo 10-bilood ku dhawaad Dowlada Federaalka…

Maxey yihiin Mashaariicda Ay ka qeyliyeen lagana Qadiyay Puntland:-

Ilo wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in la hakiyay Mashruuca Global Partnership Education oo ay maalgeliso/fuliso Hey’adda UNICEF, Mashruucaan ayaa ku dhow dhamaad xiligan, Dhaqaalaha loo qondeeyay waxay dhameyd 8.8-Millions iyo 3.6-Millions US$ looguna talagalay Dugsiyada Abaaruhu saameeyeen.

-Education can not wait Maalgelisay UNCEF.

-Waxbarashadu waa Iftiin oo ay ku deeqday Dhaqaalaha EU-da, waxaana fuliyay Save the Children iyo CARE.

Waxaa kaloo ka mid ah Dhaqaale cusub oo Dowlada Federaalka loogu deeqay, taasoo loo qaybsan jiray markii hore Saddex Aag oo kala ah..

Dowladda Faderaalka.
-Puntland.
-Somaliand.

Balse hadda Wasiirka Waxbarashada ayaa soo jeediyay in bacdamaa ay Maamulka Puntland Xiriirkii u jareen Dowladda Federaalka in saamigiidii la hakiyo Mashruucaan waxaana European Union, iyadoo ay fulinaayeen Hey’adaha Save the Children iyo CARE, iyadoo la sugayaa dhaqaale cusub oo loogu deeqay Somalia, balse Maamulka Puntland ayaa ka cabsi qaba in meesha laga saaro loona qaybsado Somalia iyo Somaliland.

271100cookie-checkMaxey Yihiin Mashaariicda Waxbarasho ee Qeylo dhaanta Ka Keeneen Maamulka Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com