Maxaa Xiligaan ku Qasbay in Wasiirka 1-aad uu Ergo u dirsado Madaxweynaha

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Wasiirka 1-aad iyo Saraakiil ka tirsan kooxda Madaxweynaha ku gedaaman, kuwaasoo waday todobaadyadii ugu dambeeyay carqaladeyn iyo isbaaro u dhigasho…

Wararka ayaa sheegay in kadib wada hadalo hoose oo lagu doonaayo in lagu xaliyo xiisadan ay suurto geli weysay uu Mr.Xamse Cabdi Barre la sheegay inuu go’aansaday inuu siyaasiyiin aan xiligaan xil heynin (ergo) u dirsado Madaxweynaha aadna u dhageysto, isagoo cabasho ka ah xurmo darrada iyo wada shaqeyn la’aanta labada Xafiis oo qaarkood ka tirsan yihiin Golaha Wasiirada.

Inkastoo Wasiirka Waxbarashada iyo Madaxa Hey’adda NISA oo aad ugu dhow Madaxweynaha ay dhowr jeer isku dayeen in xiisadaan xal loo helo isla markaasna codsadeen in la xushmeeyo Wasiirka 1-aad fursadna loo siiyo inuu Howlihiisa uu guto halkii Isbaaro loo dhigan lahaa, Xubnahaan ayaa waxaa hormuud u ah Xasan Macallin, Walaalkiis iyo xubno kale.

Khubarada u dhuun daliila arrimahaan ayaa sheegay in Madaxwrynaha uu aad u uga helo in Maamylkiisa uusan ka bixin khilaaf iyo muran daba dheerada kadibna xilli damve ku baraaruga xilkana ka qaado Wasiirka 1-aad si uu u qanciyo Asxaabtiisa, xiisaadani hadii aan xak deg deg ah laga gaarin waxaa dhici karta in Wasiirka 1-aad uu qaado talaabo xil uu uga qaadaayo Xubnahaan mucaaradaan.

226900cookie-checkMaxaa Xiligaan ku Qasbay in Wasiirka 1-aad uu Ergo u dirsado Madaxweynaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com