Share the post "Daraasad Laga Diyaariyay Heshiiska Dhanka Difaaca ee Somalia & Turkiga & Faa’idooyinka & Dhibaatada ku Xeeran.."
Daraasad ay diyaariyeen Machadka Emarites Police Center ayna daabacday Ethiopian Standard ayaa looga faalioday Heshiiska Difaaca Somalia Turkiga, iyadoo Cinwaan looga dhigay “Heshiiska Turkiga & Somalia: Go’aan qaadasho laga baaraan degay mise talaabo loo qaaday meel aan la aqoon…
Fariisimada Joogtada ee Ciidamada Turkiga:-
Daraasadaan ayaa lagu falaqeeyay Heshiiskaan qaab-dhismeedkiisa iyo Iskaashiga Dhaqaale/Mileteri ayaa la qiray inuu yahay mid aan hore loo arag marka la barbar dhigo heshiisyadii hore Dowlada Turkiga horey ula galay Somalia, iyadoo Dowladaha deriska & UAE ay aad uga argagaxeen.
Isfahankaan ayaa Maamulka Ankara siinaaya ku dhawaad Awood Maamul dhametstiran kuna yeelaneyso Badda, Dhulka iyo Xeebaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Somalia, wuxuuna u saamaxaaya (Turkigu) joogitaan buuxa Gobolada Dalka, taasoo fursad u noqon karta iney USA iyo Dalalka BRICS kula gorgortamaan marka Miiska wada hadalka la isugu yimaado.
Gorgortanka Heer Caalami ah:-
Faalada ayaa lagu dul istaagay in heshiiska la balaariyo ee u dhaxeeya Somalia & Turkiga fulintiisa uu caqabad ku noqon karo qorshaha Ethiopia oo daaha gadaashiisa ay ka riixeyso UAE iney marin u helaan Badda Cas iyo Badweynta India, iyadoo Heshiiska isfahanka ee Ethiopia iyo Gobol Ka tirsan Somalia kala saxiixdeen horaantii sanadkaan uu halis ku yahay jiritaanka iyo Wadajirka Dalka.
Isku fidinta Geeska Africa
Heshiiskaan ayaa ku qasbi kara Ethiopia iney u hogaansanaato damaca iyo rabitaanka Turkiga si uusan u meel marin Heshiiska Is-fahanka ama ugu yaraan uga badbaado saameynta xun ee ka dhanka ah danaheeda, laba daraadle, Maamulka Ankara wuxuu aaminsan yahay in Maamulka Abiy ay mudnaanta siin doonaan sii wadida xiriirka wanaagaan ee kala dhaxeeya, iyadoo ka eegaayo Khikaafka kala dhaxeeya Egypt.
USA oo dhinac ah iyo Xulafada cusub ee China-Iran-Russia ayaa il gaar ah ku eegaayaan Heshiiska Somalia & Turkiga iyo Awooda Maamulka Ankara u leedahay iney maraan si dhib la’aan ah caqabadaha la xiriira xoojinta xiriirka ay la leedahay Dalalka kor ku xusan kuwaasoo damac kaga jiro iney sameyntooda iyo maslaxadooda Marinka Beb al mandab iyo Geeska Africa meesha ka bixin.