Maqaalka Caafimaadka:-Sida Looga Hortegi Karo Hilmaamka (Ilowga) Badan..

Health Somalia news

Hilmaamku (Ilowga) wuxuu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee Caafimaad oo lagu arko Qofku marka uu weynaado (Gaboobo), sababtuna waa shaqada maskaxda qaybteeda ‘Prefrontal cortex’ oo shaqadeedu daciifta, Waa maskaxda qaybteeda hore ee fooda ka hoosaysa, waxa aanay qaabilsantahay waxyaabaha fikirka la xiriira sida qorshaynta go’aan qaadashada, arrimaha dareenka la xiriira, Waxaa lagu naanaysaa maamulaha maskaxda, iyo in maskaxdu si habsami ah u shaqayso…

Marka da’da laga tago, waxaa jira waxyaabo kale oo keena in shaqada maskaxda qaybteedaasi ay hoos u dhacdo, Waxaa ka mid ah qofka oo qabta shaqooyin iyo hawlo baaxad leh aadna u kala gedisan oo ka badan inta dabiiciga ah, waxa kale oo ka mid ah qofka oo hurdo ku filan seexan waaya, Hadaba, qofku si uu kor ugu qaado habsami u shaqaynta maskaxdiisa, ugana hortago illowga. Waxaa fiican in aad samayso jimicsiyada u wanaagsan shaqada maskaxda, sida furfurista halxidhaalayaasha, iyo ciyaaraha shaqada maskaxeed u baahan.

Waxa kale oo xal noqon kara in qofku mararka qaarkood ka leexdo hawlaha ay maskaxdu sida joogtada ah u qabato ee ay la qabsatay, tusaale ahaan in aad barato Dad cusub oo aragtiyo kala duwan leh, in aad barato meelo ama waxyaabo cusub sida luuqad cusub iwm, Shaqada maskaxda qaybteeda ‘Prefrontal cortex’ waxaa kale oo u fiican jimicsiga jirka, iyo ciyaaraha shaqada maskaxda u baahan, iyo in aad ka fogaato xaaladaha nafsiga ah, iyo in aad dhaqso isaga daweyso marka ay kugu yimaadaan.

323890cookie-checkMaqaalka Caafimaadka:-Sida Looga Hortegi Karo Hilmaamka (Ilowga) Badan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *