Ma Dhabaa in Gadood Ay ku Dhaqaaqeen Tiro Saraakiil & Askar ka tirsan Sirdoonka Somaliland

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa gadood ay ku dhaqaaqeen tiro Saraakiil iyo Askar ka tirsan Hey’adda Sirdoonka Somaliland kuwaasoo xirtay Xaruntii Hey’adda diidayna iney la kulmaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale oo Waan waan ugu tagay…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in tirada Ciidamada Gadooday ay gaarayaan 33-Xunbood kuwaasoo xirtay Xaruntii Hey’adda, waxeyna cabasho ka yihiin Madaxda Hey’adda Feysal Cabdi Guhaad Galeyr iyo Wiilka Muuse Biixi, iyadoo uu shalay xaruntaasi tagay Wasiirka arrimaha Gudaha & Xubno kale kuwaasoo waan waan kadib ka saaray Askartaan gadooday Xarunta.

Waxaana la sheegay in lagu xiray Xarunta Birmadka Boliiska dhowr iyo toban ka mid ahaa Askartii qabsatay Xarunta halka qaar kale ay baxsadeen, balse wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka Wakiil ah Askarta Gadooday ayaa lagu wadaa iney Maanta la kulmaan Muuse Biixi si loo dhageysto cabashadooda.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cabashada Saraakiisha & Askarta Hey’adda ay salka ku heyso musuqmaasuq hareeyay Maamulka sare ee Hey’adda, Gunadii ay ku shaqeyn jireen muddo aan la siin iyo Dhaqaalihii Howlgalada oo la jaray iyo tiro Gadiid ah oo ay ku deeqeen Dalka Sacuudiga oo la lunsaday.

246600cookie-checkMa Dhabaa in Gadood Ay ku Dhaqaaqeen Tiro Saraakiil & Askar ka tirsan Sirdoonka Somaliland